Dhageyso: Guddoomiyihii hore ee Hiiraan ”Aniga xil guddoomiyenimo mid ka weyn baa rabaa”

Guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan oo maanta gaaray magaalada Baladweyne ayaa soo dhoweeyay shirka dib u heshiisiinta ee ka furan magaalada Baladweyne.

Cabdifataax Xasan Afrax ayaa sheegay in shirkani uu si guul ah ugu soo dhammaan doono beelaha gobalka Hiiraan ee hadda fadhiya gogosha nabadeed.

Wuxuu tilmaamay in dadaallo wanaagsan oo xagga beelaha lagu nabdeynayo ay wadaan duubabka dhaqanka isagoo ku baaqay in laga gudbo dagaallada ku saleysan qabaa’ilka.

Afrax ayaa sidoo kale iska fogeeyay warar ay isla dhexmarayaan dadka reer Baladweyne qaarkood oo sheegaya in uu doonayo in mar kale loo dhiibo xilkii guddoomiyenimo ee gobalka Hiiraan oo uu horay uga qaaday madaxweynaha dowladda federaalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Halkan ka dhagayso:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.