Nairobi: Roobab Lixaad leh oo ka da’ay oo sababay Dhimasho iyo Dhaawac “Daawo”

Telefishanka Kenya ee KTN ayaa sheegay Sabtida maanta ah in dhammaan dad kale oo ku sugnaa dhismaha soo dumay in laga daad gureeyay.

Roobabka xooggan ee ka da’ay Kenya ayaa hoy la’aan dhigay in ka badan 100 qoys.

Steven Oundo,waa madaxa dowladda Kenya u qaabilsan dhismooyinka wuxuu KTN u shheegay in la baari doono waxa sababay dhismaha dumay.

Guddoomiye ku xigeenka magaalada Nairobi Jonathan Mueke ayaa saxaafadda u sheegay in ay baari doonaan dhismaha soo dumay iyadoo roobab xooggan ay ku dhufteen guud ahaa Kenya.

Si kastaba, halka uu ku yaallay dhismaha soo dumay ayaa waxaa ku nool dalka saboolka ah waana goob ay yaalaan qashin badan.

Waddooyinka qaar ee caasimadda Nairobi ayaa biyo buux dhaafiyeen,iyadoo la’arkayay biyaha daadka oo qul qulaya magaalada.

nbi

nbi1

nbi2

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.