Maqaal: Waan soo Dhaweynayaa Heshiiska kenya iyo Beesha Sade ay Dhawaan Wada gaareen, W/Q Maxamed Xuseen Dhageey.

Marka hore waxaan salaamayaa Akhristayaasha ku taxan Shabakadda Wararka ee Gedo Times, iyo guud ahaan hawl-wadeenada Mareegtani Caanbaxday, kana shaqeysa soo tabinta dhacdooyinka markaa taagan.

Marka Xigto waxaan Guud ahaan Salaan hawada u soo marinayaa Shacabweynaha Ree Gedo Dal iyo dibadba oon isleeyahay Waqtiyadii Dambe Guulo taariikhi ah ayey soo hoyinayeen.

Hadaan Guda galo Faaladeyda Anigoo ku, hadlaya magaca siyaasiyiinta iyo Aqoon yahanka beesha sade daarood, jaaliyadeeda Suudaanta Koonfureed iyo guud ahaanba Caalamka.waxaan soo dhawaynayaa heshiiskii beesha sade iyo dawlada kenya, ay Dhawaan ku kala saxiixden Caasimadda Kenya ee Nairobi.

Heshiiskaas waa mid keenaya is faham iyo nabad gelyo waxaana beesha matalayay, dadkii ugu miisaanka badnaa sida Ugaaska Beesha Ugaas Mohamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi iyo labadii Ra, iisal wasaare ee Dr Mudane Cabdi faarax Shirdoon, saacid iyo Dr cabdiweli sh.Axmed Maxamed Dabcan ma, filayo mana islihi ragaas waxay garan waayeen inay jirto cid kale oo garanaysa oo matali kartay beelweynta Sade.

Sidoo kale waa  guul labaad inay kenya aqoonsatay in Mareexaan leeyahay wax tar iyo wax dhimaal, Waayo Bilo ka hor ayey iyo sanado badan ayey kenya ka madax taageysay Wada xaajood ay la furto beeshaan Xuduuda Dheer laleh maantane Xaqiiqada ayey wajahday, taasine waa sababta aan u iri waa guul labaad.

waxaan sidoo kale arkaa dad meelaha ka, hadlaya oo ku, fashilmay siyaasadii iyo dhaqankii labadaba hadane cambaareynaya Kulamadaasi heshiisyada taariikhiga ah lagu gaaray, ee Nairobi ka dhacay waa iga Su’aale xagee ku maqnaayeen markii shirkaan abaabulkiisa socday? mise waxoodu waa un in looyeeree arimaha Besha iyo masiirkooda uma yaalo, Bal Adba!!

Dawladaha kenya iyo Ethiopia oo xuduud nala, leh intaba xiriir wanaagsan iyo iskaashi dhan kasta ayaan wadaagaynaa ha ugu horeeyo Amniga, waayo waxaan kamid ahay dadka qaba aragtida ah in Heshiisyada nocani ah marhore nalooga baahnaa hadiise aan hadaba garanay waa caano daatay Dabadoodaa la qabtaa.

Dhinaca Jubbaland State waxaan qabaam in maamulkaas uu caga dhigan doono ugu dambeyntiine ay xaajadu noqon doonto ninkii Dhoof kuyimid beey geeridu dhibeysaa Sade Daaroodne Jubaland isagaa ugu badane in uu Sanadaha dhaw hogaankeeda Qaban doono cidne caad kama saarna dabcan Aragtideyda.

Waxaa lagu wadaa heshiiskane qeyb ka aheyd in gole Guurti la dhiso mooryaanta makasta iyo waxmagaratada Umada Rafaadisayne waa la iska qaban Doonaa Insha allah.

Dhinaca kale akhriste waxaan maalmahaan Maqlayay Qeylo dhaamo kasoo yeerayay Beelo soomaaliyeed oo ka careysnaa sababta Sade Maamuuskaas loogu sameeyey Wada hadalne loola furay, kuwaasne waxaan oran lahaa adeeryaalow markaad Addis Ababa iyo Nairobi aadeyseen ee Dowladahan aad arimihiina kala xajooneyseen nama dhibeyn, waligeena Soomaaliniamda waa u dhimaneynaa lakiin danaheena beeleed dad an ognahay in aysan u oolin u daba fadhin meyno.

Tusaale dadku waxay ku hayaan maxaa dowladii loola hadli waayay??, war aaway dowladda sootii Madaxweynaheeda uu Tacsi ka qeybgalayay iyadoo shacab Ree Gedo ah Duqeymo ku socdeen, oo xitaa uu quuri waayay in uu arimaha duqeymaha kala hadlo kenya, Qiyaaliga iyo Riwaayadda iska daaya, beeshaane danteeda waa aqoonsatay cidkastoo ay dani uga xirantahayne weey la xaajooneysaa.

Gabagabadii waxaan Faaladeyda kusoo afmeerayaa, hadal aan u jeedinaayo Beesha Sade oo qaarkeed maalmahaan wararka beelaha kale u soo dhiibeen warbaahiatna ka sheegayay taasi oo la xiriirtay Darbi la sheegay in kenya ay dhiseyso, horta shirka darbi loogama hadal waase jirtaa in wasiirka Arimaha Gudaha ee Kenya furitaankii shirka uu sheegay in ay qorsheynayaan in darbi ay dhisaan si amaankooda ay u sugtaan, hadii xitaa darbi la dhisaayo waxaan u sheegayaa inta arinkaas buunbuunineysa in aan anaga nahay cida lagala xaajoonaayo dhisme darbi, ee aan Muqdisho, kismaayo, garoowe, baydhabo iyo Hargeysa Midne lagala hadli doonin sababtune waa inaga ayaaba ah cida ay arimahaas quseeyaan oo ay saameynayaan.

Guul ayaan u rajeynayaa Shacabweynaha ree Gedo iyo Guud ahaan Beesha Sade oo iminka u istaagtay ka shaqeynta midnimadooda iyo ka arinsashada danahooda gaar ah,

W/Q : Maxamed Xuseen Dhageey

Jubba, South Sudan

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.