Degdeg: RW Sharmaake oo baarlamaanka Horgeeyey Heshiiskii madasha ee Dhawaan Muqdisho lagu gaaray.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa goordhow baarlamaanka hortagay kaddibna u qeybiyay waraaqado ay ku qoran yihiin heshiiskii madaxda dowladda fedaraalka iyo kuwa maamul goballeedyada ay ku gaaren dhawaan Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa hadda isaga iyo qaar ka mid gollaha wasiiradiisa waxay ku sugan yihiin xarunta aqalka baarlamaanka ee Muqdisho halkaasoo la filayo in goordhow ra’iisal wasaaraha uu khudbad dhinacyo badan taabaneyso uu ka jeediyo.

Guddoomiyaha baarlamaanka, Maxmaed Cismaan Jawaari ayaa dhawaan toddobaadkii horre sheegay in ra’iisal wasaaraha uu codsaday in uu horyimaado baarlamaanka 30ka bisha April oo ah maanta oo Sabti ah isla markaana ra’iisal wasaaraha iyo xukuumadiisa looga fadhiyo in ay soo bandhiggaan qorshaha loo dajiyay in lagu qabto doorashada sannadkan.

Si kastaba, waxaa jira warar badan oo magaalada duul-duulaya kuwaasoo ay ka mid yihiin in muddo lagu kordhiyo xilliga ay dhacayaan doorashada maadama dowladda hadda jirta wax yaabo badan oo laga rabay ka hor August aaney qabsoomin, waxaana ka mid ah dhammeestiran maamul goballeedyada oo waxaa hadda hakad ku jira shirka maamul u sameenta goballada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

wixii kusoo kordha kala soco Gedo Times Insha allah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.