XOG: Kulamo Fashil kusoo idlaaday oo Duleedka Baledxaawo ku dhexmaray Masuuliyiinta Gobolka Gedo iyo Odayaasha Dhaqanka ee Deegaanka.

kulan ilaa shalay galinkii dambe duleedka Degmada Baledxaawo uga socday odayaasha Dhaqanka ee Degmadaasi iyo masuuliyiinta Gobolka gedo ee Magaalada Dibad jooga ka ah iyo Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan ayaa fashil kusoo idlaaday.

Kulanka ayaa looga hadlayay Sidii masuulyiinta ay degmada Dib ugu soo laaban lahaayeen, iyadoo masuuliyiintaasine ay iska diideen dib ugu laabashada degmada Baledxaawo inta uu cabdirashiid indhakoreey haysto.

Mid kamid ah odayaashii Dhaqanka ee ergo ahaanta ugu tagay masuuliyiinta ayaa Gedo Times u sheegay Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka Mudane bakaal Kooke iyo Xildhibaan mataan ay si cad u diideen in ay Degmada Dib ugu soo laabtaan.

masuuliyiinta ayaa lagu sababeeyey Diidmadooda in aysan rabin in ay wada hadal lagalaan Cabdirahsidi Indhakoreey, waxaana guud ahaan fashil kusoo idlaaday Kulamadii ka socday Duleedka Degmada Baledxaawo ee Gobolka gedo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.