Akhri: Alshabaab oo amarro kala duwan duldhigtay shacabka ku hoos nool

Kadib markii Alshabaab kulan ay ku qabteen deegaanka Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa Alshabaab waxay sheegeen iney kusoo afjareen dagaaladii u dhaxeeyay beelaha wada dega deegaanka Shabeelaha Hoose oo muddo badan dagaalo ay ka dhaceen.

Al-shabaab ayaa sheegay iney soo saareen qodobo ay isla garteen beelaha ku dagaalamayay deegaanada Shabeelaha Hoose ee Habargedir iyo Biyomaal waxaana looga digay dhinacyda hishiiska saxiixay iney xad gudub ku sameeyaan qodobada la isla gartay.

Waxaa qodobada kamid ah:

1-In la qaado dhammaan isbaarooyinka qabiilka ee daadsan min Baraawe ilaa Afgooye.

2- In la kala saaro ciidamada qabiilka Iyo kuwa dabadhilifyada ah ee cadowga la safan.

3-Inaan hub lagu arki karin tuulooyinka Iyo degmooyinka cid aan ahayn mujaahidiintana aysan hub ku wadan karin.

4-In lagu dhaqmo shareecada Islaamka laguna kala baxo Kitaabka Alle.

5-Ciddii Jabisa heshiiska kulankaas laga gaaray ciddii jabisa in hal dhinac looga wada marayo la iskana dhicinayo.

Ugu dambeyn wakiilka Alshabaab ugu magacaaban Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in loo qabtay beelaha halkaasi daga muddo seddex bilood ah iney ku dhameeyaan dhamaan colaadihii dhexdooda ka dhex dhacay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.