Admiral Qare : Burcad Badeedii waxaa Badashay Burcad Kaluun, ee wax halaga qabto.

Taliyihii hore ee Ciidamada Badda ee Soomaaliya Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qarre) oo hada ah Agaasimaha Hey’adda Cilmi baarista Badaha ayaa sheegay in dowlado fara badan ay si sharci darro ah ay badda Soomaaliya uga kaluumeysanayaan.

Admiral Faarax Qarre ayaa sheegay in Caalamka uusan dooneyn in la dhiso Ciidamada Badda Soomaaliya, si ay uga hortagaan kaluumeysiga sharci darada, isla markaana u sugaan amniga Xeebaha.

“Caalamka ayaa ogoleyn inaan dhisno ciidamadeena badda, sidaa la socotaan wali cunaqabateynta hubka ayaa na saaran, hub ma soo gadan karno, maraakiib ma soo gadan karno, dad aqoonteeda leh inay markab wadaan ama diyaarad wadi kara wali ma heyno”ayuu yiri Faarax Qarre,

Waxaa uu sheegay in sida Caalamka ugu soo gurmaday la dagaalanka burcad badeedka, loo baahan yahay in loogu soo gurmado ka hortaga kaluumeysiga sharci darada ah.

“Dowlado fara badan ayaa baddeena ku jira oo kaluunkeena xadaya, maanta hadii burcad badeedka la waayay, burcad kaluuna na haaya, kuwaas ayaa in wax laga qabto loo baahan yahay”ayuu yiri Admiral Faarax Qarre.

Waxaa uu sheegay in hadii Ciidamada Badda la xoojin lahaa, qalabka loogu deeqi lahaa ay yaraan laheyd kaluumeysiga sharci darada, isla markaana markabkii aan wadan wax shati ah gacanta lagu soo dhigi lahaa.

Hey’ad ka faaloota kaluumeysiga nabdoon ayaa warbixin ay dhowaan soo saartay ku sheegtay in kaluumeysiga sharci darada ee ka socda Badda Soomaaliya sanadkii laga sameeyo boqol milyan oo dollar, iyadoo ka digtay in kaluumeysiga sharci darada inay dib u soo celiyaan falalkii burcad badeeda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.