XOG: Ciidamada Maamulka Gobolka Gedo oo xalay lagu weeraray Fariisimo ay kuleeyihiin Duleedka Degmada Baledxaawo.

Xilli wali ay tagantahay Xiisadii Coladeed ee ka jirtay Degmada Baledxaawo ee Gobolka Gedo, ayaa xalay Ciidamo ka amarqaata Cabdirashiid Indha koreey waxa ay weerareen Ciidamada Dowladda ee Ka amarqaata maamulka Gobolka Gedo.

Ciidamadani ayaa weerara Fiirisimaha Ciidamada Dowladda a ku leeyihiin Duleedka Degmada Baledxaawo, iyadoo halkaasi la soo warinaaayo in khasarae uu ku gaaray Ciidamadii weerarka Qaaday.

Saraakiil Ciidan ayaa gedo Times u Xaqiijiyay in laba Askari laga dhaawacay maleyshiyaadkii Weeraray Ciidamada Dowladda ee Maamulka Degmada Baledxaawo iyo kan gobolka Gedo.

Ma jirto wax khasaare ah oo lasoo wariyay in dhinacooda uu gaaray Ciidaamda Mamaulka Gobolka ee ka amarqaata Gudoomiye Kuxigeenka Gobolka ahna Kusimaha Gudoomiyaha Mudane Bakaal Kooke.

Wixii kusoo kordha Wararka Baledxaawo Gedo Times Kala soco Xilli kasta Insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.