Xog:Maxaa Ka soo Baxay Kulankii Indho Kori iyo Odayasha Dhaqanka ay ku yesheen B/xaawo Maanta.

Magaalada Balad-Xaawo oo ay Kacsan Tahay Xaladeed Waxa Maanta Kulan ku yeeshay Odayaasha Dhaqanka Magaalada iyo Cabdi Rashiir Janan “Indho Kori” Kulan ayaa Wax uu Ka dhacay Mid Ka mid ah Hotelada magaalada ku yaalo waxa loga hadlay xaalad magaalad iyo sidii loo dajin lahaa,
Indho kori oo la hadlay odayaasha Dhaqanka ayaa wax uu sheegay in uusan u imaan dolow inuu colaad Abuuro Laakin Sawir Qaldan Laga bixiyay U jedkiisa ay ahyd in dib ugu soo laabto degaankiisa cid uu wax ka tabnyo aysan jirin sido kalana aysan jirin cid uu wax u geysanyo.
Sidoo kale mar uu so hadal qaday ciidamada bananka magalada u baxay ee uu hogaaminayo Bakaal Waxa uu ku sheegay in wax qilaf u kala dhaxeyn Bakaal iyo Cabdi fitax nuur mataaan , laakin ay la safan yihiin Madaxweyne ku xigenka Jubland C/laahi sh, ismail Faratag oo uu sheegay inuu kala dhaxeeyo qilaf xoogan .
Sidoo Kale wax uu ku edeyay hurinta Xiisada Balad Xaawo inuu Gadaal Ka riixayo Farataag, Dadka uu Adegasanayo ay yihiin Masulinta Hada Ay isku hayaaan Magalada Balad-xaawo.
Odayasha ayaa Waxa ay u shegeen Indho Kori in Magaalada aysan u Bahaneyn Colaad Sido Kalana ay Bilabayaan Waan Waan Lagu Dajinyo Xiisada Laakin isag loga Bahan yahay inuusan Wax ficil ah Sameyn Isago ogaladay Hadalka Odayaasha Kulanka ayaa intaas Nuxurkiisa ku soo Gabo gaboobay .

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.