Daawo sawirro: Baabuur laga la goostay Madaxweyne ku xigeenka Puntland

Gaari Laga Afduubtay Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland: Gaari uu leeyahay Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay) ayaa laga afduubtay Magaaladda Garoowe,sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Darawalka Gaariga oo uu adeer u yahay Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay),ayaa gaariga la galay deegaanka Widh Widh,waxaana haatan gacanta ku haya Ciidamadda Somaliland.

Gaariga khaaska ah ee Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay) ayaa ahnooca aan xabadu karin (Bullet Proof) waxaana uu ka mid yahay Baabuurta qaaliga ah ee Madaxdu ku socoto.
Gaariga Khaaska ah ee Madaxweyne ku xigeenka Puntland,waa nooca Bullet Proofka ah
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay) ayaa lagala goostay Gaari kale oo noociisu yahay Toyota HiLux,sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku sugan Garoowe.
Gaariga lala goostay ayaa ah Toyota HiLux,waxaana uu ka mid yahay Gaadiidka qaaliga ah
Saraakiisha Somaliland wali kama hadlin Gaariga lagala goostay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Cumar (Camay),lamana oga waxa ay ka yeeli doonaan.

IMG_89B3DC-0EED25-5DA88A-9E1793-AB706C-F7E057.jpg

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.