Xildhibaan Magan: Aniguba Dowladda waa ka tirsanahay ee Dowladda Ma ahan Xasan iyo Cumar, kenyane Heshiis baan la galnay.

Siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed ka socda gobalka Gedo ayaa dowladda Kenya waxa ay magaalada Nairobi kula yeesheen shir seddax maalmood socday.

Arrimaha shirka looga hadlay waxaa ka mid ahaa siddii Beesha Sade iyo dowladda Kenya ay isaga kaashan lahaayeen ammaanka xuduudda Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca gobalka Gedo.

Shirka waxaa guddoominayay wasiirka amniga qaranka Kenya Joseph Nkaissery iyo Ugaaska Beesha Sade Maxamed Ugaas Xaashi.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay shirka ayaa BBC-da uga warraamay wax yaabaha dowladda Kenya ay kala hadleen.

Wuxuu sheegay in wax yaabaha looga hadlay ay ugu badnaayeen arrimaha ammaanka maadama beesha degta gobalka Gedo ay tahay beesha ugu xuduudda dheer Kenya.

Wuxuu sheegay in xuduudda ay la wadaagaan Kenya ay dhan tahay 700 km taasoo ka billaabata magaalada Baladxaawo ilaa iyo badda Hindian Ocean.

Wuxuu sheegay in dhulkaas siddaas u weyn in 480 ay deggaan labada dhinac beesha Sade sidda uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay maadama uu yahay xildhibaan qaran soo ma ahayn in arrimahaas lagala hadlo dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in siddaas ay ahayd balse isagaba uu ka mid yahay dowladda Soomaaliya, siddaaas darteed uu shirkan yahay shir u dhexeeya beesha Sade iyo dowladda Kenya.

Xildhibaan Magan ayaa sheegay in dowladda Kenya aanu awood u lahayn arrimaha xuduudaha oo aysan heesan ciidan ku filan oo loo diro xuduudaha dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wax yaabaha lagu heshiiyay ay ka mid yihiin in la sameeyo ciidamo deeganka oo la dagallama kooxaha argagixisada ee ka soo tallaaba xuduudda Soomaaliya ee falalka ammaan darrida ka geesta dalka Kenya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.