Degdeg: Qarax Khasaare ka dhashay oo maanta ka Dhacay Agagaarka Saldhigga Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Qarax Ayaa maanta markale ka dhacay Degmada baardheere ee Gobolka Gedo kaasi oo ahaa Miinada Nooca dhulka lagu aaso.

Wuxuu ka dhacay Agagaarka Saldhigga Degmada Baardheere  sida uu Gedo Times u Sheegay Wariye ka agdhawaa goobta uu qaraxani ka dhacay.

Hal Qof oo rayid ah oo wadada Marayay ayaa ku dhintay labo kalane waa ay ku dhaawacmeen sida uu wariyahani Gedo Times la hadlay u Xaqiijiyey.

Majirto cid Maamulka Degmada ka tirsan oo ilaa iyo hadda ka hadashay Qaraxani iyo khasaaraha ka dhashay iyo sidoo kale in ay jiraan cid gacanta lagu soo dhigay iyo inkale.

Baardheere ayaa Usbuucyadii lasoo dhaafay Marti galineysay Qaraxyo iyo falal Dil ah oo amniga liddi ku ahaa kuwaas oo ilaa iyo hadda loo caal la’yahay Waxkaqabashadooda.

Gedo Times ayaa isku taxluujineysa Helitaanka masuuliyiin ka hadasha Qaraxani marka ugu horeysa oo aan helnane waa idiin lawadaagi doonaa insha allah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.