Dhageyso: Dib u dayactir lagu Sameeyey Xarunta uu ku Shaqeeyo Maamulka Gobolka Gedo ee Degmada Garbaharay.

Dib u dayactir ay Kaalin muuqata ka geysatay Hay’adda TIS Plus oo ah Hay’ad samafal ayaa lagu sameeyey Xarunta maamulka Gobolka Gedo ee Degmada Garbaharay.

Dib u dayactirkani, ayaa lagu sameeyey Xarunta uu ku shaqeeyo maamulka Gobolkaasi Gedo, Sida uu Gedo Times u sheegay Xasan Sheekh Cilmi Garbaharay oo ah Isu duwaha Mashaariicda iyo Arimaha Hormarinta ee Gobolka Gedo.

Xasan Garbaharay ayaa hoosta ka xariiqay, in dib u dayactirakani ay kaalin lixaadleh ka geysatay hay’adda TIS Plus oo ah hay’ad samafal oo ka hawlgasha Deegaanadaasi.

Wuxuu Sheegay in Xarunta Maamulka oo kaliya aysan aheyn Goobaha Dib u dayactirka lagu Sameeyey, balse ay sidoo kale Jiraan Goobo kale oo dhowr ah oo ay Hay’adda Wax ka qabatay Sida Isbitaalka Degmada iyo garoonka Kubadda Cagta ee Degmadaasi.

Si kastaba Waa dib u dayactirkii ugu horeeyey ee Lagu sameeyo Xarunta Maamulka ee Gobolka Gedo tan iyo wixii ka dambeeyey Burburkii Dowladdi Dhexe ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.