XOG: Ugaaska Beesha Sade iyo Wafdi balaaran oo uu Hogaaminaayo oo Nairobi Gaaray, Casuumaadne ka helay Dowladda Kenya.

Waxaa Maanta Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya Gaaray Wafdi balaaran oo uu Hogaaminaayo Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi, waxaana qeyb ka ahaa Wafdiga Ugaaska Todobo Mudane oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo kasoo jeeda Beesha Sade, Aqoonyahanno, Cuqaal iyo Masuuliyiin kale.

Ugaaska iyo Wafdigiisa ayaa casuumaad rasmi ah waxa ay kaheleen Dowladda Kenya, oo codsatay in ay aragto Hogaanka Beesha Sade ee Dhinacyada Dhaqanka iyo Siyaasadda.

Ajandayaal dhowr ah ayaa kulamadani diiradda lagu saari doonaa, kuwaas oo ay kamid yihiin Dhibaatooyinka ay Beesha Ka tabaneyso Kenya oo kismaayo ku bahdishay, Xasuuqii kenya Ceelcadde loogu geystay oo ay beesha ka dalban rabto in ay ku garabsiiso la dagaalanka Alshabaab iyo Guud ahaan in si Rasmi ah la isula meel dhigo siyaasadda Beesha Sade ee Jubaland.

Xubno kamid ah Wafdiga ayaa inoo xaqiijiyay in ilaa iyo Maalinimada Talaadada ah ay kulamadani socon doonaan, iyadoo natiijooyinka kasoo baxane warbaahinta lala wadaagi doono.

Horay Nairobi waxaa u sii joogay Raisal Wasaarayaasha kala ah Maxamed Cabdulaahi farmaajo, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed iyo Cabdi faarax Shirdoon oo dhamaantoodne kenya ay casuumaad u fidisay.

Sidoo kale Maalinimada Barito ah ayaa la filayaa in wada hadalada uu ku biiro Wasiirka Difaaca Soomaaliya Janaraal cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, oo hadda ah masuulka Ugu sareeya Xagga Mansabka siyaasadda ee Beesha Sade.

Arimahan oodhane waxay imaanayaan Xilli Xiriir wanaagsan uu dhexmaray Beesha Sade iyo Dowladda Itoobiya, lamana oga sababta ay kenya xiligan ugu soo beegtay Heshiis ay lagasho beesha Sade.

Gedo Times kala soco Hadba wixii kusoo kordha kulamadani.

1 Comment

  1. kenya hada ayay cabaad bilowday markii ay aragtay ninmankii ay taagiga ku keentay in ay kismaayo dhaafi layihiin laakiin waxaan dhilhi lahaa keenka yaan wax wada hadal ah lala galin xaaladaa k liidatee iyada iyo qowlaysatadii ay wadatay tankale mida kala ina ugas xaashi waa ninka marexaan kala jibilyay hadana waxaa la rabaa in marexaan loo adeegsado

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.