XOG: Gudoonka Baarlamaanka oo Go’aano kasoo saaray Muranka Ka taagan maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Gudoonka sare ee Barlamaanka Dowlada Federaalka ayaa sheegay in loo baahan yahay in khilaafka ka jira Maamul u samaynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe lagu dhameeyo mudo 45 cisha ah.

Arintan ayaa si dhab waxa uga wada hadlay Xubnaha Barlamaanka ee hore uga kula aragti duwanaa Mooshinka ku aadan Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Gudoonka Barlamaanka ayaa sheegay in Wasiirka arimaha gudaha looga baahan yahay in uu raaco hab raaca Heshiiska Maamul u samaynta labada Gobol

Gudoomiye ku xigeenka Barlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa mudanayaasha Barlamaanka ka hor aqriyay qodobadan iyo kuwo kale

Go’aanka Gudoonka ayaa imaanaya xilli baarlamanaka federaalka la horgeeyey Mooshin ka dhan ah Maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo ay Xildhibaano kalhore Gudbiyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.