TOP News: Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta Markale ka doodaya Mooshinka Shirkii Jowhar.

Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta mar kale lagu wadaa inay ka doodaan mooshinka laga keenay shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, kaasoo gogoshiisa ay taalo magaalada Jowhar.

Kulankii ugu dambeeyay ee Baarlamaanka ayaa buuq ku dhamaaday, markii Xildhibaanada ay ku kala qeybsameen mooshinka lagu soo daro ajandaha iyo in aan lagu soo darin, waxaana markii uu buuqaas xoogeystay la soo xiray kulanka.

Guddoonka Baarlamaanka ayaa isku dayaya inuu wada hadal ku dhameeyo mooshinka laga soo gudbiyay dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, waxaana uu kulamo la qaatay labada dhinac ee Xildhibaanada.

Wararka ayaa sheegaya in xalay Guddoonka la kulmay Guddiyo ay iska soo saareen Xildhibaanada mooshinka keenay iyo Xildhibaanada mooshinka diidan, iyadoo la isku afgartay in la qaboojiyo xamaasada ka dhalatay mooshinka.

Xildhibaanada diidan mooshinka ayaa ku doodaya in aan mooshinka sharci aheyn, isla markaana dastuurka waafaqsaneyn in dib loo dhigo shirka dhismaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Ajandaha kulanka maanta ayaa qeyb ka noqon doona mooshinkan, waxaana Xildhibaanada keenay mooshinkan ay dadaal ugu jiraan sidii shirka Jowhar loo hakin lahaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.