Taliska Guud ee AMISOM oo a Tacsiyeeyey Geeri Ku timid Taliye Horay uga Tirsanaa AMISOM oo Geeriyooday.

Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Francisco Madeira iyo Taliska AMISOM ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Major General Levi Karuhanga, oo ahaa taliyihii ugu horreeyey ee ciidamada AMISOM.

Major Levi Karuhanga oo u dhashay dalka Uganda, ayaa maalin ka hor u geeriyooday xanuun dhinaca caloosha ah ah oo muddo hayay.

War saxaafadeed ka soo baxay Taliska AMISOM ayaa lagu sheegay in General Levi Karuhanga uu dhidibada u taagay hanaanka Taliyeyaashii xilka uga dambeeyay, una fududeeyay gudashada waajibaadkooda.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in guulo la taaban karo u horseeday hawlgalka ciidama AMISOM ay magaalada Muqdisho uga saareen Al-Shabaab.

Danjire Madeira iyo guud ahaan bahda AMISOM waxay uga mahadcelinayaan qoyska Jeneraal Levi Karuhanga, dadka reer Uganda iyo dowladdoodaba, kaalintii uu ku lahaa hawlaha lugu xasilinayo Soomaaliya, wuxuuna noqon doonaa astaan dhiirrigelineed oo lama illaawaan ah.

Ciidamada AMISOM ayaa Soomaaliya yimid sanadkii 2007-dii, waxaana howl galkooda ka soo wareegatay 9-sano, waxaana tan iyo xilligaas soo maray Taliyeyaal fara badan oo u dhashay dalalka xubnaha ka ah howl galka AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.