Dhageyso:Dagaalkii Dacdheer ka socday oo joogsaday iyo khasaaraha oo kordhay

dagaal

In ka badan toban qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen kuwa kalena ku dhaawacmeen dagaal beeleed ka soconaya deegaanno ku yaalla xuduudda uu gobalka Galgaduud la wadaago Itoobiya.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa u badan dhinacyadii dagaallamay wallow la soo warinayo in dad kale oo shacab ah ay wax gaareen.

Dagaalka maanta ayaa ka qarxay Deegaanka Miir Cowleed oo u dhaxeeya Gallinsoor iyo Dhabad oo labada maleeshiyo beelood ay ku dagaallamayeen illaa galabta.

Dhaawacyada ugu badan ayaa la dhigay Isbitaalka Cadaado halkaasoo hadda lagu dabiibayo, waxaana la soo sheegayaa in dadka wax ku noqday ay qaarkood qabaan dhaawacyo culus.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.