Degdeg: Axmed Madoobe oo Nairobi u duulay Kuna sii wajahan Magaalada Addis Ababa.

madobe

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafddi uu hogaaminato ayaa maanta u amba baxay magaalada Nairoobi ee dalka Kenya.

Xubno ka tirsan Madaxtooyada Jubbaland ayaa Gedo Times u xaqiijiyey in Wafdiga Madaxweyne Axmed Madoobe uu magaalada Nairobi kasii aadi doona magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya halkaasoo la filayo in Madaxweynaha iyo wafdigiisa ay uga qeyb galaan kullamo kala duwan.

Kulamada la filaayo in uu addis ababa kaga qeybgalo waxaa kamid ah kulan la xiriira khilaaf u dhaxeeya isaga iyo madaxweyne Kuxigeenka maamulkaasi Janaraal Fartaag, oo addis ababa kaga sii horeeyey.

Usbuuc ka hor ayey aheyd Markii casuumaad looga yeeray Addis ababa uu iska diiday Axmed madoobe lamana oga sababta isbadalkani cusub ku keentay, inkastoo Madaxda Soomaalida aysan go’aan laheyn.

Magaalada Addis Ababa waxaa horay usii joogay Madaxweynaha Dowladda Puntaland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland Janaraal fartaag.

Madaxweyne Axmed Madoobe warbaahinta lama uusan hadlin markii uu ka duulayey garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, lamana oga sababta uu uga hadli waayay ujeedka Safarkiisa.

Wixii ku soo kordha safarka Axmed madoobe kala soco Wararkeena Dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.