XOG: Maxay dadka Somaliyeed ku diidan yihiin Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir?

Inta badan dadka Somaliyeed, ayaa waxay si wayn u saluugsan yihiin Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, oo ka mid ah ragga sida dhow loola xiriiriyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Dadka sida wayn u garanaaya Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed, ayaa waxay kuu sheegayaan in tan iyo 1990-kii ay saaxiibo dhow ahaayeen Madaxweynaha Somaliya, isla-markaana ay arrimo badan ka soo wada shaqeeyeen.

Siyaasiyiinta aan la dhacsanayn siyaasadda Madaxtooyada Somaliya (Villa Somalia), ayaa waxay Faarax Sheekh C/qaadir ku eedeeyeen inuu yahay ninka ka masuulka ah hogaan xumada maanta ka jirta dalka Somaliya.

Dal iyo dibadba waxaad barraha bulshada ay ku wada xiriirto ku arkeysaa dadka Somaliyeed oo barrahaasi ku soo qoraaya dacaayado ka dhan ah Faarax Sheekh C/qaadir, iyadoo aad mooddo in dadka Somaliyeed ay isla wada arkayn gacan bidixeenta iyo xagaldaacinta uu hogaanka u haayo ninkaasi.

Maxaa lagu eedeeyaa Siyaasigan?

Marka hore waxaa weeye ninka ka dambeeya maskaxda ay ku shaqeeyan Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Galmudug, C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxaa lagu eedeeyaa in siyaasadiisa oo keliya looga dhaqmo Madaxtooyada Somaliya, isla-markaana uu yahay ninka qora khudbadaha Madaxweynaha Somaliya uu ka jeediyo kulamada Baarlamaanka, munaasabadaha maalmaha xoriyadda, shirarka dibadda iyo kulamada joogtada ah ee ka dhaca Magaalada Muqdisho & kuwa kale, ee uu kaga qaybgalo magaalooyinka dalka.

Sidoo kale waa ninka keliya ee Wasaaradaha Xukuumadda ku leh shakhsiyaad kaga hawlgala, una soo gudbiya macluumaad kasta oo ku saabsan shaqada iyo shaqaalaha ee Wasaaradahaasi.

Arrinta ugu wayn ee lagu diidan yahay, ayaa ah isagoo xiriir dhow la leh Madaxda Dowladda Itoobiya, waana midda keentay in dadka Somaliyeed ay u arkaan mid u gudbiya amaba siiya sirta Qaranka.

Waxaa kaloo xusid mudan inaanu Faarax Sheekh C/qaadir marnaba diyaar u ahayn in Siyaasiyiinta, Odayaasha Dhaqanka, Waxgaradka iyo qayabaha kale ee bulshada Somaliyeed uu la kulmo, kalana hadlo waxa ay ku tuhmayaan.

Yuu la kulmaa Faarax?

Waxaa uu la kulmaa ragga ku xeeran oo ay ku jiraan kuwa u soo gudbiya macluumaadka Wasaaradaha iyo kuwa kale ee saaxiibada dhow ay yihiin. Maanta way adag tahay in dad aan kuwaasi ahayn uu qaabilo Faarax.

Waxaa iska cad in la dhihi karo Faarax Sheekh C/qaadir xiriir lama laha Warbaahinta, wuxuuna xiriirkiisu uu u badan yahay ragga taabacsan amaba la dhacsan fekerka Dam Jadiid. Dam Jadiid waa garab ka tirsanaan jiray Urur Diimeedka Al Islaax.

Faarax Sheekh C/qaadir oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya waxaa lagu eedeeyaa inuu yahay nin ka warqaba dadka ku haybta ah, marka laga soo taggo kuwa ku xeeran Dam Jadiid.

Suldaan Maxamed Cabdulle Maxamuud oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee ku nool Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa uu sheegay in deeqaha waxbarasho ee loogu talla-galay ardayda Somaliyeed, in Faarax uu tirada hore ka dhigo kuwa isaga ku haybta ah.

Suldaanku wuxuu kaloo sheegay in ardayda ku haybta ah Faarax ee wax ka barata Jaamacadaha dalka, uu lacagaha waxbarashada/Fee-ha ka bixiyo.

Iskusoo wada-duuboo arrimahaasi oo idil, ayaa waxay horseedeen naceybka ay bulshada Somaliyeed u qabaan, una hayaan Siyaasiga Faarax Sheekh C/qaadir Maxamed.

1 Comment

Leave a Reply to Yaxye cabdilahi maxamed fsntastik Cancel reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.