Daawo: Munaasabad ay ka qeybgaleen RW Kuxigeenka Dalka iyo Wasiirka Gaashaandhigga oo Muqdisho lagu qabtay.

Munaasabad balaaran oo lagu soo gaba gabeynayay Maamuuskii qaran ee kasoo wareegatay Aasaaski Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Mnaasabadda waxaa kasoo qeybgalay masuulyiin sarsare oo ay kamid ahaayeen Kuxigeenka Raisal Wasaaraha Maxamed Cumar Carte, Wasiirka Gaashaandhigga Janaraal Cabdulqaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Janaral Buux iyo Masuuliyiin kale.

Masuuliyiinta ayaa ciidamada Xooga dalka ugu hambalyeeyey Guulaha Taariikhiga ah ee ay soo hoyiyeen tan iyo intii dib loo aasaasay Ciidanka Xooga Dalka.

Kuxigeenka RAisal Wasaaraha iyo Wasiirka Difaaca Ayaa Gabagabadii Munaasabadda Sheegaay in xukuumadda Federalka ay Xooga Saari Doonto sidii ay uga shaqeyn laheyd dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Baahiyaha Ciidamadane ay u dabooli laheyd.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.