XOG: Maxaa ka Jira Wararka Sheegaya in Ciidamadii Dowladda ee Dhawaan lasoo xareeyey Hub ka dhigis Lagu Sameeyey.

Warbixino xqiiqada ka fog oo ilaa galabta ay daabacayeen qaar kamid ah mareegaha wararka lagu daabaco ayaa sheegayay in Ciidamadii Dowladda ee Dhawaan lasoo xareeyey Hub ka dhigis lagu sameeyey.

Warqabadyada kala gadisan ee Gedo Times oo arintaasi u dhabagalay ayaa masuuliyiin kala duwan ka ogaaday in xogtaasi aysan waxba kajirin, sidoo kale aysan jirin ciidan hub ka dhigis lagu sameeyey.

Qaar kamid saraakiisha cidiamada oo uu kamid yahay Cabdirahsiid macalin Gaas oon la xiririnayne waxay inoo xaqiijiyeen in ay wali daganyihiin xeradii madhamaato oo ay daganaayeen tan iyo markeey kismaayo soo galeen.

Yaa faafiyay Dacaaaydan Raqiiska ah??

Laba nin oo ay isticmaalayeen Siyaasiyiin uu kamid yahay macalin Maxamed iyo Darwiish ayaa xogtani magaalada u soo dhaadhiciyay iyadoo xogtana ay aheyd mid lagu dhex abuuray un Madaxtooyada Kismaayo kadib markii la waayay qaab ciidankaasi hubka looga dhigo ayeyna natiijadu noqotay in dacaayad laga fidiyo. oo lagu sheegaayo in hubkadhigis lagu sameeyey.

Gedo Times waa ay haysaa Magacyada labada shakhsi ee warbixinadan qaldan magaalada u soo dhaadhiciyay Balse ilaa xad waxaan ka taxadareynaa Faaafinta Magacyada, sababo la xiriira in ay xiriir nala soo sameeyeen ay ku cadyenayaan in xogtaasi ay aheyd mid la abaabulay oo aan jirin, waxayna nagana codsadeen in aanan magacyadooda warbaahiyahan u adeegsan.

Xildhibaano iyo Masuuliyiin kala duwan oo Gedo Times ay la xiriirtayne waxay warbixinadan Dhinacooda ku tilmaameen Hadalo qar iska tuurnimo ah.

Warbaahinada Qaar ee Wararkan faafiyay xageey kasoo xigteen?

Gedo Times ayaa sidoo kale ogaatay in mareegaha wararkan lagu daabacay ay soo xigteen xubno ka tirsan Madaxtooyada Kismaayo oo iyadu maalmihii lasoo dhaafay uu hareeyey Muran u dhaxeeyay Axmed Madoobe iyo Janaraal fartaag kaas oo asalkiisaba ka bilowday Hubkadhigis uu soo jeediyey Axmed Madoobe in ciidamadani lagu sameeyo iyo diidmo uu fartaag kala horyimid.

Hadii ay jirto wararka sheegaya in ciidamadani hubadhigis lagu sameeyey Akhristow ma heshay Muuqaal la xirira,Ma isweydiisay sababaha ay warbaahinadan warar aan cadeymo wadan u faafiyeen kaagana gadayaan, iyo weydiimo kaloo badan kuwaas oo kugu riixaya in si maanqab ah aad uga fakarto wararkan la faafiyay.

Dhinaca kalane xiisadii u dhaxeysay itoobiya iyo axmed madoobe ayaa dhinaceeda wali halkeedii ka taagan, iyadoo itoobiya ay iminka sheegtay in hadii kenyanka ay ka deyn waayaan faragalimada ay ku wado qorshaha nabad ilaalineed ee ay qeybta ka tahay in ay isla tiigsan doonaan iyaga iyo kenya ilaa jamciyadda qurumaha ka dhaxeysa.

Goordhaw filo warbixin la xiriirta khilaafka kenya iyo itoobiya halka uu maraayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.