DHAGEYSO: Cudurka Shuban biyoodka oo ka dillaacay degmada Saakow ee gobalka Jubbada Dhexe

abaar

 

Dad tiradooda ayaa la helin ayaa lagu soo warramayaa inuu soo ritay halka kuwa kalena ay la ildaran yihiin xanuunkaasi oo lagu arkay Saakow.

Ma jirto xarun caafimaad oo kaafin karta dadka ku nool Saakow kuwaasoo hadda uu soo ridanayo xanuunka Shuban biyoodka.

Degmada  Saakow waxay ku taalaa Dhanka Koonfureed ee dalka Soomaaliya waxayna ku taal dhanka bari ee Webiga Jubba, waxaana wararka ay sheegayaan in biyo wasaqeysan ay sabab yihiin in cudurkani uu dillaaco.

Warar laga helayo gobalka Jubbada Dhexe ayaa sheegaya in degmooyin kale oo gobalkaasi ka tirsan lagu arkay xanuunkani sida Jilib.

Guddoomiyaha degmada Saakow ee ugu magacaaban dowladda federalka Maxamed Xaaji Xuseen  ayaa  sheegay  in xaalado adag ay ka jiraan degmadaasi, wuxuuna kaloo sheegay in ay codsanayaan kaalmo beni’aadanimo lala  gaaro dadka ku dhaqan degmada Saakow

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.