Dhageyso:-Al-shabaab oo Odayaal ka Afduubtay Gobolka Hiiraan

shabab

Sida ay noo sheegeen Dad Goobjoogeyaal ah oo ku sugan Galbeedka Magaalada Baledweyne ayaa Tuulo lagu Magacaabo Qarincadd waxaa laga Afduubtay ugu yaraan 9 Oday Dhaqameed oo ka mid ahaa Dadka Tuuladasi iyo hareeraheeda ku nool.

Afduubka Odayaasha ayaa waxaa geeystay Xarakada Al-shabab Dagaalameyaal ka tirsan.

mid ka mid ah Odayaashii ka badbaaday Afduubka ayaa u sheegay in Al-shabaab ay u yimaadeen Odayaasha oo Kulan Duco ah ku lahaa Degaan islamarkaana ilaa 9 Oday laga kaxaystay.

Odayga nala hadlay ayaa intaa ku daray inuu Naftiisa la baxsaday,waxaana Waxgaradka la watay ay u badan yihiin Odayaal da’ah.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Odayaasha lala aaday dhanka Degmada Buula-barde ee Gobolka Hiiraan oo hadda Caasimad looga dhigay Maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe.

Wali lama Oga Sababta Al-shabaab ay Odayaasha u Afduubteen,balse ma Cusba in Xarakada Al-shabaab ay Dad rayid ah qafaashaan.

Halkaan Ka dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.