Dhageyso:Tahriibeyaal Soomaali ah oo lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Diyaradaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku qabtay Tahriibeyaal Soomaali ah oo doonayay in ay aadaan Dalka Masar islamarkaana ay uga sii gudban Yurub.

Taliyaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Gen.Gaafow oo la hadlay Idaacada Kulmiye ayaa sheegay in Gacanta lagu dhigay 11 Tahriibeyaal Soomaali ah oo doonayay in ay aadaan wadanka Masar.

Gaafoow ayaa intaa ku daray in Maxkamad la saari doono Soomaalidaan doonayay in ay Dalka Tahriib uga baxan.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa dhawaan Mamnuucday Dal ku galka wadanka Suudaan.

Halkaan Ka dhageyso 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.