Dhageyso: HaweenkaSomaliland oo dalbaday in Maxkamad la soo taago Ragga wax Tahriibiya

Iyadoo Badda u dhexeyasa Afrika iyo Yurub ay 18-kii Bishaan ku Qaraqmeen Tahriibayaal Soomaali u badan islamarkaana in ku dhaw 400 oo Soomaali Tahriib doon ah ay ku dhinteen Halkaa ayaa waxaa wali taagan hadal haynta ay reebtay Arrintasi.

Haweenka ku nool Degaanada Somaliland ayaa dalbaday in Maxkamad la soo taago kuwa Wax Tahriibiya ee haligay Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Mid kamid ah Hooyooyinka ku nool Magaalada Hargeysa oo la hadashay Warbaahinta iyada oo ooneysa ayaa sheegtay in Ragga wax Tahriibiya ee u dhashay dalka Masar ay iskaga tarsadeen Lacag ay ka dhiibeen Dhalinyarada Soomaaliyeed ee Badda ku dhimatay iyo Wiilashoodii,waxaana ay Dowladda Soomaaliya u soo jeedisay in aysan Arrintaan ka fariisan oo ay Masar kala hadasho sidii Ragga wax Tahriibiya loo Maxkamadeyn lahaa.

Halkana Ka dhageyso

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.