Dhageyso:Dacwada Eedeysaneyaal loo hayso Qaraxii Daalo oo dib loo dhigay

Maxkamadda Darajada Koowad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa shalay la hor geeyay Dhageysiga 14 eedeysane oo loo hasto in ay ku lug lahaayeen Qaraxii Diyaaradda Dallo ka dhex dhacay 2-dii Bishii Labaad ee sanadkaan.

Gudoomiyaha Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Eedeeysaneyaasha  lagusoo oogay fal danbiyeed la xiriira weerarkii bishii Febraayo ee Sanadkan lagu qaaday diyaaradda Daallo Airline kana dhacay Garoonka Diyaaradaha Adan Cade.

Guddoomiye Shuute ayaa intaa ku daray in dib u dhigay dhageysiga dacwada, isla markaana tilmaamay in mar kale dib la isugu soo laabto.

Halkaan Ka Dhageyso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.