Dhageyso:Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya oo Xalay Dad Rayid ah ku dilay Muqdsho

Askar ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa Xalay Xaafadda Albaraka ee Degmada Hodan ku dilay Saddex Ruux oo Shacab oo Labo ka mid ah ay yihiin Caruur ayaa waxaa gacanta ku dhigay Ciidamada Milatariga Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa Askartii Dilka geysatay oo ka koobnaa ilaa Saddex Askari ku Wareejiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Dad Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Askartaan ay Rasaas ku fureen Gaari Bas ah oo ay la socdeen Dadka Geeriyaaday,waxaana Saddexda Ruux ee la dilay Labo ka mid ah ay yihiin Walaalo.

Afhayeenka maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa sheegay in Askarta Dilka geysatay ee ka tirsan Ciidamada Xoogga Soomaaliya Sharciga la marsiin doono.

Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca Falal Amaanka lid ku ah,waxaana inta badan Dilal loo geystaa Dad Shacab ah oo aan waxba galabsan.

Dhacadaan Ayaa waxa Si aad loga Hadal Hayaaa Degmada Hodan Waxaa Arintaan Ay Cabsi Qal qal ku Abuurtay Dadka Shacbak ee ku Nool Xaafada , Waa iska Caadi in Askari Ka tirsan Dowlada in dad shacab ah ay Si Barere ugu Dilaan Magaalada Muqdisho Ka diban ay ayasan Helin Sharci La Xisaabtamo.

Halkaan Ka Dhageyso 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.