Ciidamada Itoobiyo oo Axmed Madoobe u Diiday inuu aado Dalka Kenya .

Warar Hose oo u Gedo Times Ka Helay Qaar Ka mid ah Dadka ka agdhow Hogaamiyaha Maamulka Jubland ayaa u Xaqijyay in Cidamada Itoobiyo ay Ka Hor istageen Hogaamiyaha maamulka Jubland inuu Ka dhoofo Garoobka Kismaayo Saaka Isago Safarkiisa Socdalkisa uu ahaa Dalka Kenya oo Loga Yeray.

Ciidanka Itoobiyo ee Ku sugan Magaalada Kismaayo ee Dhawaan loo Dhibay Maamulida Garoonka Kismaayo Ayaa u sheegay Axmed inuusan Fasax u Aheysan inuu Ka dhoofo Garoonka Ka dib Amar Ka soo Baxay Saraakisha Sare ee itoobiyo.

Didamada Ciidamada Ay ugu Dideen Garoonka inuu Ka dhoofo Axmed Ayaa Timid Ka dib Markii itoobiyo ay ku Amaratay inuu Tago Adis Ababa Lakin uu diiday Ka dibna loo Yeeray Madaxeyne ku Xigeenka Maamulka jubland C/lahi Sh. Ismaciil Fartaag oo uu Halkasi Garay

Maalmihii Danbe Waxaa Jiray Muran Dhinaca Ciidamada La soo Xareyya Ka Tagnaa oo uu Hogaamiyaha Jubland u Adkeysanayay in Lagu soo Warejiyo CiidamadiiĀ  Barre Hiraale ee Magaalada Lagu soo Xareyya Laakin Itoobiyo ay Ka diiday Ka dibna Halkaasi uu Ka Dhashay Qilaaf Xoogan oo Soo Kala Dhex Galay Labada Dhinac.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.