Dabeylo xooggan oo ka dhacay xeebaha magaalada Muqdisho

Doomo ay lahaayeen kalluumaysato oo ku burburay dabeylo xooggan oo maanta ka dhacay xeebaha magaalada Muqdisho.

Illaa inta la og yahay labo doon ayaa ku burburay xeebaha Muqdisho galabta kadib markii mowjado laga dareemay badda.

Dabeylo xowli ah ayaa badda rogrogay kuwaasoo biyo badan dibadda uga soo bixiyay laguna arkayay degmooyinka Xamarweyne iyo Cabdicasiis oo baddu daris ay la tahay.

Guddoomiyaha Iskaashatada kalluumaysatada Xasan Yare ayaa sheegay in arrintani ay ku cusub tahay xeebaha Muqdisho isla markaana badda arrintaasi darteed aan loo gali Karin.

Si cilmi ahaan marka loo eego, mowjadaha ka dhaca badda waxaa sababa Folkaanooyin ka dhex qarxa gudaha biyaha badda.

Waxaana sidoo kale in biyaha badda dhaqdhaqaaq ay sameeyaan in ay sabab u tahay dabeysha hadba meel  u socoto.

Waxaana sidoo kale jira in dhaqdhaqaaqa ama socodka ay sameeyaan biyaha badda inay sabab u tahay dabeysha oo hadba jihada ay u socoto biyaha ay aadaan.

Illaa iminka waxa arrintani galabta ka dhacday xeebaha Muqdisho sababtay lama oga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.