TOP News: Maxaa ka soo baxay kulan gaar ah oo ay wada yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo RW Itoobiya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa maanta kulan ay kaga hadlayaan iskaashiga labada dal ku yeeshay magaalada Bahir Dar.

Labada hoggaamiye ayaa dhinacyada siyaasadda iyo amniga ka sokow si qota dheer uga wadaxaajooday iskaashi dhaqaale oo dhinacyo badan oo labada waddan dhex mara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulankaasi ka soo jeediyay fikir ku saabsan in labada dal ay abuuraan guddi iskaashi oo heer wasiir ah, iyadoo taladaasina uu soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Desalegn.

Labada dal ayaa ka wada shaqeyn doona horumarinta barnaamijyada mihnadaha iyo shaqo abuurka, maalgashiga, beeraha, tiknoloojiyadda iyo arrimaha bulshada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaare Desalegn ayaa waxay kaloo ka wada hadleen suuragalnimada in waddamada Geeska Afrika ee kala ah Soomaaliya, Itoobiya, Djibouti iyo Suudaan ay sameystaan suuq ganacsi oo ka shaqeeya kobcinta dhaqaalaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.