Ku Dhawaad 400 oo Tahriibayaal ah oo Soomaali u badan oo badda ku Geeriyooday.

Faah faahin ayaa ka soo baxaya Doonyo ay la socdeen illaa 400 tahriibayaal Soomaali u badnaa dhalinyaro oo ku degtay Badda u dhaxeysa Yurub iyo Afrika.

Doonyahan oo ka baxday Xeebaha magaalada Alexandaria ee dalka Masar ayaa ku sii jeeday dalka Talyaaniga.
Wararka ayaa sheegaya in doonyahan oo gaarayay illaa 4 doonyood ay gebi ahaan ku degtay Badda.

Maraakiibta dagaal ee Midowga Yurub ayaa qaar ka mid ah dadka saarnaa doonida bad baadiyay, waxaana lagu qiyaasay dadkaas illaa 30-ruux.

Inkastoo wararka ay yihiin kuwo isa soo taraya ayaa waxaa la sheegayaa in shilkan uu yahay kii ugu xumaa ee muddooyinkan dhaca.

Qaar ka mid ah magacyada dadkii ku dhintay badda ayaa la soo geliyay baraha bulshada ku wada xiriirto, sidoo kale sawiradooda ayaa la arkayay.

Inta badan dhalinyarada ayaa la sheegay inay ka yimaadeen Gobolka Togdheer, gaar ahaan magaalada Burco ee Somaliland.

Soomaali badan oo tagay dalka Masar auaa doonaya inay qaab tahriib ah ku gaaraan Yurub, iyagoo sii maraya Badda u dhaxeysa Masar iyo Greece.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.