Akhriso Qiso Jaceyl: “Waan Jeclaa, laakiinse daneyste ayuu noqday” (Dhacdo Murug Leh)

Akhristayaasha ku taxan Warbaahinta Caalamiga ah ee Gedo Times ayaa jeclaan laheyn inaan la wadaagno Fariin ay so odirtay Gabar Soomaaliyeed oo Magaceeda kusoo koobtay Anisa taasi oo qiso jaceyl xanuun badan ay soo martay inooga sheekeysay.

Aniso ayaa email usoo dirtay Wariye ka tirsan Gedo Times oo is yaqaaneen iyadoo Maamulka Sare ee Gedo Times ka codsatay in qormadaan jaceyl ee qabsatay ay baraha bulshada u so ogudbiyaan, qisadane sidaan ayey ku bilaabmeysaa.

 

Asc

Waxaan halkaan salaan qiimo iyo wanaag badan u marinayaa maamulka iyo shaqaalaha shabakadda Gedo Times, marka xigana waxaan salaamayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan inta akhrisata qisadeydaan.

Aniga da’deedu 21 sano jir, waxaan ku noolahay magaalada Borama, waxaana weli ahay ardayad dhigata Jaamcadda.

Qiso igu dhacday welina qalbiga iga danqisa ayaan go’aansaday in bulshada aan la wadaago, si ugu yaraan dhibaatada aan dareemayo igaga yaraato.

Waxaan muddo is garaneynay wiil aan jeclaysan in halkaan magaciisa kusoo qoro, waxaan ahayn dad jaceyl wadaag ah, laakiinse marka xaqiiqda laga hadlo aniga aad baan u jeclaa laakiinse dhankiiisa allah ayaa garan kara.

Dad badan ayaa xitaa la yaabay heerka uu gaarsiisan yahay Jaceylka aan u hayo, noloshaydiina waxay ahayd mid aad iyo aad ugu faraxsan mar walbo oo aan la joogo ama aan maqlayo.

Aniga waxaa i dhalay mid ka mid ah Ganacsatada ugu magaca dheer Borama, ama guud ahaan deegaannada Somaliland.

Wiilkan aan jeclaa waxaan ogaaday in uusan igu soo raacin jaceyl laakiinse hantida waalidkey uu daneynayey.

Wax walbo oo uu magaalada ka jeclaado waan siin jiray, illeen nafteydii ayaa jeclayd hadana isagu ma ahayn mid dhaqaale haya ama reerkiisu wax u hayaan.

Aniga oo taa eegaya ayaan maalin walbo nolosha meeshaasi ka fiirin jiray, balse waxaa dhacday in maalin maalmaha ka mid ah uu ninkii isbedalo.

Waxa uu la saaxiibay inan kale oo dhaqaale haysata, waliba iyadu ganacsato ah, waxaana ay la socotay in aan xiriir wadaag ahayn, waxayna fartay inuu iga haro.

Galab Khamiis ah oo aan ballansaneenayuu xaafadda iigu yimid iina sheegay in aanu wax jaceyl ah ii qabin, islamarkaana aanu dooneyn in mar kale I arko.

Aad baan u qaracmay waxaana dareemay dhibaato badan oo qalbigega soo wajahday, waan ciishooday, ku dhawaad Bil waxaan ahaan bukaan socoto.

Dadaal badan waan bixiyey asxaabteyda iyo qaar ka mid ah ehelkaygii baan u diray laakiinse waxa uu usoo sheegay in aanu I jeclayn balse uu ahaa kaliya nin jaanis gaad ah ama qarash raadis ah, helayna mid ani iga wanaagsan.

Maalintaa oo hadda laga joogo 7 bil xaqiiqdii aad baan u gubtaa waxaan sameeyana garan waayey, balse inan aynu saaxiib nahay baa igu tiri bal intaasi oo wax kaa degaanne la wadaan bulshada Soomaaliyeed.

Mahadsanidiin

Intaas ayeey sheekadu inoogu soo gabagabeysay Anisa

 

11 Comments

  1. Fal xun ayuu sameyey anu wxan ku leyay waxan la ilaawin malaha Wlshy marka ilow kaasi in la ilaawo ayuu istaahila, nolol cusub iyo farxad ban ku rajaynaya walaal.

  2. Raggu way kala damir xun yihin qiso jaceyl ayana ogu fican qisa kugu dhacdo marka samir Allah (S.W) Qurankisa wuxu kuyiri ان الله مع الصابرين fadhlan walashey samir Allah aya kula jiraa mar walba Qisa jaceyl dadka badigood way kudhacde balse way qarsontshay Allah ayana kubaryena inuu Allah kucafiyo murugada kaqado

  3. aniso wax ku dhacay ad ayan ugu xumahay lkn ragu ma sino miid ka facan aya jiro radii waxan kugu dar darmaaya samiir aya miro dhalo ee abayo samiir yeello jacelkuna wax kasaari karo inad xariir kallo ad sameeso siida ugu dhaqsiiya badaan mahad sanid waxan joga gobalka sh/hose qasatan wala weyn

  4. wll qofkaad doonayso inaad jeclaato kaliya lama eego lakiin Xikmada uu leyahay izka hubi wll.ana waxan ahay wiil halkan imiga kaa jecladay.
    Taa badalkeeda aniga ayaa diyaar kuula ah labadaba,
    Waxaanan kuu balanqaadayaa inaanan waligay kaa jeedsan xitaa hadii ay naag qurux iyo malaayin dolar haysaa ay isoo codsato.
    Wll Ana jacaylkaan kuu hayo igu Tix gali oo isoo dir numberkaga qalli.

  5. Oh xabibtih ad baan uga xumahay qisadah kuguh dhacday balseh samirkah badsoh Allah na talasaaroh i.a dhibka wuukaakkaayaraanah😇😰😰😭🥺

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.