Dhageyso: Shir dastuurka looga hadlayo oo maanta ka furmay magaalada Kismaayo

Shir looga hadlayo hannaanka federaalka ayaa maanta ka furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Shirkani waxaa ka qeyb galaya wasaaradaha arrimaha gudaha ee dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada waxaana looga arrinsanayaa barnaamijka federaaleynta.

Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Jubbaland Maxamed Darwiish ayaa furay shirkani waxaana masuuliyiintii ka hadlay kamid ah xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka.

Wuxuu sheegay Wasiirka arrimaha gudaha ee Jubbaland Maxamed Darwiish in shirkani ay ka soo bixi doonaan qodobo.

Dhinaca kale, xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka Yaxye Cali Ibraahim ayaa ka hadlay muhiimadda shirkani uu u leeyahay dowladda dhexe iyo maamul gobaleedyada dalka ka jira

Halkan ka dhagayso:

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.