Xildhibaan Xoosh : Heshiiska Dhawaan la gaaray Baarlamaanka ayaa Go’aan ka gaari doona.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa dhaliilay heshiiskii 12-kii bishan magaalada Muqdisho ay ku gaareen madaxda dowladda fedaraalka iyo kuwa maamul goballeedyada oo ku aadan hannaanka doorashada Soomaaliya ee sannadkan.

Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen madaxda dowladda iyo kuwa maamul goballeedyada wax la soo dhoodhoobay, wuxuu sheegay oo kale in heshiiskaas uusan ahayn mid waafaqsan dastuurka kumeel gaarka ee dalka u yaalla.

“Waxaan lagu heshiiyay la lee yahay waa wax aan dastuurka waafaqsaneen, waa wax xasaasiyad u keenaya ummadda Soomaaliyeed, waa wax beelaha Soomaaliyeed iska hor keeni doona, xitaa waa wax ka sii fog 4.5 oo ah wixii lagu heshiiyay” ayuu yiri Xildhibaan Xoosh Jibriil.

Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa ku goodiyay in baarlamaanka aaney ansixin doonin heshiiska ay gareen madaxda dowladda fedaraalka iyo kuwa maamul goballeedyada sidda uu hadalka u dhigay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.