TOP News: Shir Madaxeedka Amniga Wadama Afrika oo Maanta ka Furmaya Caasimada Labaad ee Itoobiya.

Shir madaxeedka Amniga Afrika ee Tana Forum ayaa maanta ka furmaya magaalada Baxar Dar ee dalka Itoobiya, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan Madaxweynayaal ka socota dalalka Afrika.

Shirka Tana Forum ayaa ah Shirkii 5-aad ee Madasha Sare ee Amniga Qaaradda Afrika (Tana High-Level Forum on Security in Africa) waxaana Madaxda ka qeyb galeysa ay ka doodi doonaan arrimaha amniga, la dagaalanka argagixisada iyo howl galada nabad ilaalinta.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay shirkan ka soo qeyb galaan Madaxweynayaal hore ee Afrikan ah, kuwaasoo lagu wado inay khudbad ka jeediyaan.

Madasha Sare ee Amniga Africa, ayaa kulmisa hoggaamiyeyaasha Afrika, laamaha iyo ururrada caalamiga ee dhanka amniga, khubarro iyo hay’ado kale.

Waxaa madashan ay madaxda Afrika isku dhaafsadaan fikrado la xiriira qaabka mashaakilaadka Afrika loogu heli karo xal Afrika ay leedahay, gaar ahaan arrimaha amniga.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirka ka qeyb geli doona, sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas oo lagu casuumay shirkan ayaa markii labaad ka qeyb galaya shirkan

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.