Daawo: Majaajileyste Happy Khaliif oo Bandhig Faneed Muqdisho ku qabtay.

Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ku sugan majaajilistaha caanka ah ee Happy Khaliif oo ka yimid dalka Mareykanka.

Happy Khaliif oo ka mid ah dhallinyarada caanka noqday waayahan dambe ayaa bandhig fanneed ama Show ku qabtay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ka soo qeybgaleen dadweyne aad u fara badan kuwaasoo la dhacay wax yaabaha uu goobta ku soo bandhigay.

Happy Khaliif iyo fannaaniinta da’da yer ee Muqdisho ayaa ka muuqday bandhig fanneedka lagu qabtay Muqdisho.

Mar uu Happy Khaliif ka hadlay immaatinkiisa Muqdisho iyo sidda loogu soo dhaweeyay wuxuu sheegay in aad ugu farxay dadweynaha reer Muqdisho sidda ay u soo dhaweeyeen isla markaana ay u soo buux dhaafiyeen Show-ga uu ku qabtay caasimadda Soomaliya.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada bandhig fanneedka laga soo qaaday

happy

happy1

happy2

happy3

happy4

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.