Dhageyso:AMISOM oo Dad Shacab ah ku dishay Magaalada Buula-mareer

Wararka ka imaanaya Degmada Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay halkaa ku dileen Afar Ruux oo Shacab ah,kadib markii ay Rasaas ku fureen Gaari ay saarnaayeen Dadka Shacabka ah oo ahaa Suuzuki.

Afarta Ruux ee Ciidamada AMISOM ay dilka u geysteen ayaa kala ahaa Labo Nin oo Ganacsato ah oo lagu kala Magacaabi jiray Daa’uud iyo Maxamuud Macalin iyo Islaan Waayeel ah iyo Gabar ay ayeeyo u tahay.

Qaar ka mid ah Dadka Ehelka la ah Afarta Ruux ee lagu dilay Magaalada Buula-mareer ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in Gaari ay ka soo raaceen Buula-mareer oo Muqdisho ku soo jeeday lagala dagay islamarkaana halkaa lagu dilay.
Magaalada Buula-mareer ayaa waxaa maanta ka soconaya Banaanbax looga soo horjeedo Ciidamada AMISOM ee Dadka Shacabka ah dilay,AMISOMNA wali kama hadlin.

Hayeeshe ma ahan Markii ugu horeysay oo Ciidamada AMISOM ay dilaan Dad Shacab ah,iyadoo Magaalada Marka iyo Degaanka Halgan ee Gobolada Shabellaha Hoose iyo Hiiraan ka kala tirsan ay ku dileen Dad Shacab ah Sanadkii hore 2015.

Halkan Ka dhageyso

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.