Daawo: Munaasabad lagu Daahfurayay Idaacadda Markableey oo Degmada Baardheere lagu qabtay.

Munasabad lagu daahfurayay Idaacada markableey oo dhawan un hawada dib u soo gashay ayaa shalay lagu qabtay Gudaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Hirgalinta Idaacadda oo ay waqti badan galiyeen qaar kamid ah dadka deegaanka, ayaa shalay si rasmi ah loo daahfuray iyadoo ay kasoo qeybgaleen Daahfurka Idaacadani, Qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Agaasimaha Idaacadaasi Markableey Axmed Cumar Saalixi, Qaar kamid ah Warfidiyeenada ka shaqeyn doona Idaacadda, iyo xubno kamid ah Bulshada rayidka ee Degmadaasi, ayaa shalay ka qeybgalay Daahfurka Idaacadda Markableey.

Agaasime Saalixi ayaa goobta ka sheegay in idaacadani ay noqon doonto mid dhexdhexaad ah Bulshadane si siman ugu adeegi doonto.

Dhinacooda ka qeybgalayaashii Munaasabadda ayaa Bogaadiyay Dib u hawlgalinta idaacadani Markableey oo sanado dhowr ah hawada ka maqneyd.

Alshabaab ayaa horaantii 2012kii albaabada isugu dhuftay Idaacadda Markableey, Xiligaas oo ay u badaleen Idaacadii Al andalus oo afka shabaabka ku hadli  jirtay, waxayna ku soo aadeysaa dib u hawgalinteeda xilli bulshadu ay baahiyo kala duwan u qabaan Helitaanka Xarun warbaahineed oo ka haqabtirta helitaanka waxa dunida ka dhacaya.

mar

mar1

mar2

mar4

mar5

mar6

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.