Xildhibaan Dani ”waxaan ahay musharrax u taagan madaxweynaha Somalia”

Wasiir horre , ahna Mudane ka tirsan Baarlamanka Somalia ayaa sheegay inuu yahay Musharax Madaxwayne doorashadda la filayo inay qabsoonto dabayaaqadda sanadkan 2016-ka

Xildhibaan Saciid Cabdullahi Dani ayaa tilmaamay uu yahay musharax doonaya in uu  dalkan  u hogaamiyo si daacadnimo ah , waxa uuna sheegay ahmiyadiisu ay tahay sidii dalka iyo dalkan uu u helaa nabadgalyo iyo horumar dhaqaale.

Waxa uu tilmaamay in marnaba uusan ku qarash garayn doonin lacag laaluush si uu u noqdo madaxwayne .

Waxaa la su’aalay sida uu noqon doono haddii uu madaxwayne noqdo , waxa uuna sheegay in waxbadan uu uga duwanaan doono sida uu yiri madaxdii la arkay hogaamintooda iyo balanqaadkoodi horre.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.