Madaxweyne Siilaanyo ”Dowladda Federaalka shaqo iskuma lihin”

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa looga hadlay shirkii dhawaan madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya iyo Maamul goballeedyada ay ku yeesheen.

Shirkaas oo la sheegay in lagu heshiiyay qaabka iyo farsamooyinka la adeegsan doono doorashada soo socota, waxaa lagu soo hadal qaaday Somaliland.

Waxaa la sheegay in shirkaas wax yaabaha looga hadlay ay ka mid ahayd siddii Somaliland loogu dari lahaa doorashada soo socota oo dad matala loo heli lahaa.

Haddaba, waxaa arrintaas gaashanka u daruuray madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo sheegay in aysan ka mid ahayn heshiiska la gaaray isla markaana aanu jirin cid matali karta Somaliland oo ka qeybgali karta doorashada Soomaaliya.

“Annigoo ku hadlaya afka Jamhuuriyada Somaliland waxaa halkan ku cadeynayaa in aan qeyb ka aheyn Soomaaliya, waligeedna ka noqon meyno, hadii Federaal tahay iyo hadii kale”ayuu yiri madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ku celceliyay in Somaliland ay tahay dal madax banaan, isla markaana midnimadeeda ay la soo noqotay 1991-dii.

Si kastaba, waxaa jira xubno Somaliland ka soo jeeda oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya waxaana ka mid ah ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalib iyo shakhsiyaad kale kuwaasoo wali raba in Soomaaliya aan lakala goynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.