Dhageyso – Cali Xareed ”Dowladdu ma gaarsiin dalka nidaamka xisbiyada in wax lagu soo doorto”

Xoghayaha xisbigaasi Cali Maxamed Maxamuud(Cali Xareed) oo ahaa wasiirkii caafimaadka ee xukuumaddii ka horreysay xukuumaddani Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay in marka hore ay muhiim tahay in la isweydiiyo qodobadani wax maka bedali karaan siyaasadda.

Wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay in la heshiiyo hase yeeshee weli lagu jiro nidaamka 4.5 taasoo uu ku sifeeyay siyaasiga inaan wax isbedal ah madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobaleedyada aysan ka gaarin arrintaasi.

Cali Xareed ayaa sheegay in ay shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintuba ay sugayeen in la qaato nidaamka xisbiyada si mar un looga baxo nidaamkani kale ee qabaa’ilka ku dhisan ee 4.5

Hoos ka dhagayso codka

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.