Degdeg: Guriga uu Baledxaawo ka daganyahay Xildhibaan Cabdifitaax Mataan oo la weeraray iyo khasaare ka dhashay.

Wararka naga soo gaaraya Degmada Baledxaawo ee Gobolka gedo ayaa sheegaya in daqiiqado kahor la weeraray Guriga uu Degmadaasi ka daganyahay Xildhibaan Cabdifitaax Nuur Mataan, oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Degmadaasi.

Guriga xildhibaanka ayaa lagu weeraray labo bamba gacmeed sida ay Gedo Times u xaqiijiyeen Ilo ka agdhawaa goobta uu falkani ka dhacay.

Khasaaraha ilaa iyo hadda ka dhashay Weerarkaasi ayaa na loogu sheegay in ay ku dhaawacmeen Sadex Hablood oo guriga Xildhibaanka Barxadiisa ku fiidsanayay, inkastoo mid kamida ilaalada xildhibaanka uu dhawac fudud soo gaarey xaaladiisa caafimaadne lagula tacaalaayo isbitaal Qaliil ee Degmadaasi Baledxaawo.

laba maalin kahor ayey aheyd markii Gudoomiyaha Degmada Baledxaawo Miino nooca dhulka lagu aaso ah lagula eegtay Gaarigiisa Bartamaha Baledxaawo.

Xaaladaha Amaan ee Degmadaasi baledxaawo ayaa iminka u muuqato mid faraha kasii baxeyso, inkastoo maamulka degmadaasi uu wacad ku maray, xaqiijinta amniga guud ee Degmadaasi Baledxaawo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.