TOP News: Shirka Madasha wadatashiga oo maanta laga soo saari doono war murtiyeed

Shirka Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo qaabka doorashooyinka ayaa maanta la soo gaba gabeynayaa, iyadoo laga soo saari doono war murtiyeed ay isku raaceen Madaxda ka qeyb galeysa shirka.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa labadii maalmood shirar albaabada u xiran ku lahaa magaalada Muqdisho, gaar ahaan Xarunta Madaxtooyada, iyadoo madaxda isla jeex jeexayeen qaabka farsamo ee doorashooyinka sanadkan dhici doonaan.

Hogaamiyeyaasha ayaa u muuqda kuwo ku kala aragti duwanaa qodobada qaar, waxaana Mas’uul walba uu doonayaa inuu awood gaar ah ku yeesho qaabka doorashada.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in inta badan Hogaamiyeyaasha ay isku raaceen qodobada, hadana waxaa dhici karta in daqiiqadaha ugu dambeeya in wax is bedelaan.

Afhayeenka Madaxtooyada Daa’uud Aweys oo wareysi siiyaya laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa sheegay in go’aanada maanta soo bixi doona ay noqon doonaan kuwo dadka oo dhan ay soo dhoweeyaan.

Waxaa jira walaac la xiriira in awooda doorashada uu gacan galo Hogaamiyeyaasha, isla markaana qaabka lagu soo xulayo labada aqal ee Baarlamaanka ay noqoto mid Madaxda gobolada ay maamulaan.

Go’aanada laga soo saaro shirkan ayaa lagu wadaa in la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka, si talooyin ugu darsato, sida uu shalay Madaxweynaha Soomaaliya ka sheegay furitaankii kalfadhiga 8aad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.