Shabaab oo ciidamo badan ku soo bandhigay deegaanka Buula-fulaay ee Gobolka Baay

Ururka Al Shabaab ayaa ciidamo badan ku soo bandhigay deegaanka Buula-fulaay oo ka tirsan Gobolka Baay, ciidamadaasi oo ah kuwa ka tirsan Millateriga Shabaab, kana howlgalada Gobolada Baay iyo Bakool.

Ciidamadan oo Boqolaal ah ayaa deegaanka Buula-fulaay socod ku dhexmaray iyaga oo wata qoryaha noocyadooda kala duwan, xilli dadka deegaanka la isugu yeeray oo ay daawanayeen ciidamada Shabaabka ka tirsan ee halkaasi la isugu keenay.

Masuuliyiin ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa ciidamadaasi kula hadlay meel Fagaare ah, waxaana ay kula dar daarmeen inay sii kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan ciidamada Itoobiya ee Gobolada Baay iyo Bakool ku sugan.

Ciidamada Shabaabka ee dhoolatuska ciidan sameynaayay ayaa ku dhawaaqayay ALLAHU AKBAR iyo erayo kale oo ku aadan inay la dagaalamayaan ciidamada Shisheeye ee dalka ku sugan.

Ururka Al Shabaab ayaa weli awood muuqata ku leh Gobolada dalka Somaliya, waxaana ay haystaan Degmooyin iyo deegaano ka tirsan Gobolada Baay iyo Bakool, iyaga oo xilli waliba weerar ka geysta Magaalooyinka ay joogaan ciidamada Huwanta.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, ayaa wuxuu qiray inay soo laabatay awooddii Ururka Al Shabaab, isagoona taasi qiil kaga dhigay gaabis ku yimid hawlgalkii lagula dagaalamaayay Ururkaasi.

“Dowladda Somaliya awood uma lahan inay bixiso mushaaraadka Ciidamada iyo inay u soo iibiso hub culus. Tani waa laba kala daran mid dooro, oo ah midda ina haysata.” Ayuu yiri Madaxweynaha oo wareysi siiyay Wargeyska Washingtonpost.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.