Degdeg : Qarax khasaare gaystay ayaa  goor dhow ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

Gedo Times ayaa  heshay war  ku saabsan in qaraxaas ay ku waxyeeloobeen ilaalada Gudoomiyaha degmada Beledxaawo oo gaarigiisa lala eegtay.

Gaariga ayaa maryay Aargada Degmada Beledxaawo Waxaana lasoo warinayaa in qaar kamid ah ilaalada gudoomiyaha ay ku dhaawacmeen qaraxani, inkastoo gudoomiye kaanti aan lasoo warin wax gaaray.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay   Maamulka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, Xiriiro aan lasameynayne nooma suuragalin in aan helno.

Wariyaha Gedo Times ee Gobolka Shariif Axmed Taajir ayaa soo warinaya in Lagu wado in Maamulka Degmada ay Goordhaw ka hadlaan qaraxani,

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.