Dhageyso: Faahfaahin ku saabsan weerarkii lagu qaaday guddoomiyaha Baladxaawo

baladxaawo

Qarax miino oo sababay khasaare dhaawac ah ayaa maanta lagu weeraray guddoomiyaha degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo oo uu ka badbaaday.
Yuusuf Kaanti oo saarnaa baabuurkiisa ayuu qaraxani helay waxaana lagu sheegay inuu ahaa nuuca meelaha fog fog laga hago.
Seddex kamid ah ilaaladiisa ayaa ku dhaawacmay isagana wax ma gaarin guddoomiyaha sida ay sheegayaan dad ku dhow dhow.
Ma jiro wax howlgal ah oo ciidamada dowladda ee Baladxaawo ay sameeyeen iyo cid loo soo qabqabtay qaraxaasi.
Xaaladda ayaa caawa deggan waxaana la soo sheegayaa in guddoomiyaha uu gaaray dhaawac yar inkastoo warar iskhilaafsan ay soo baxayaan.
Halkan ka dhagayso codka Baladxaawo:

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.