XOG: Gedo Times oo heshay Qaar kamid ah Qodobada La isku mari la’yahay ee Shirka Madasha Wadatashiga. “akhriso”

Shirkii madasha wada tashiga oo si toos ah hadda uga socda xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa la isku mari la’yahay qodobo dhowr ah.

Shirka oo saaka furmay ayaa waxaa lagu falanqeeyay qodobo dhowr oo la xiriira hab maamuuska doorashada la filaayo in aay dalka ka dhacdo bisha September ee sanadkan 2016.
Waxa jira Qodobo dhowr ah oo laysku mari waayay kuwaas uu soo jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Qodobadan hoos ku qoran ayaa waxaa ku ayiday Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan, halka Axmed Madoobe iyo Cabdi wali Gaas aay diidmo qayaxan kala hor yimaadeen qodobadaas.

1. In go’aanka ka soo baxa golaha madasha qaran la hor geeyo Baarlabaanka JFS si aay u ansixiyaan
2. In heshiiskii Garoowe la hor geeyo Baarlabaanka si aay u ansixiyaan
3. In Guddiga doorashooyinka Qaranka looga danbeeyo hab maamuuska iyo maamulka doorashooyinka 2016
4. In looga danbeeyo oday dhaqameedyada soo xulitaanka xildhibaanada aqalka sare iyo aqalka hoose
5. In lagu soo koobo 15 qofood oo kaliya aay soo xulaan xildibaanada labada gole, halka Gaas & Madoobe aay rabaan in tiradaas laga dhigo 50.

War murtiyeedka ka soo bixi doona shirkan madasha oo uu soo diyaariyay xafiiska wakiilka qaramada midoobay Michael Keaton, ayaa waxaa ku qoran arrimo dhowr ah oo aay ku jiraan kuwa kor ku xusan.

Madaxweynaha Soomaalilya Xasan Sheekh ayaa waxaa uu si aad ah uga biyo diidsan yahay heshiskii Garoowe, isla markaana qorsheeynaya in heshiiskaas lagu soo diido baarlabaanka JFS si aanu u dhaqan gelin, waxaana fekerkan la qabo Guddoomiyaha Baarlabaanka Soomaaliya Jawaari.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.