Faafaahin ka soo baxeysa Weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen Degaano hoostaga Degmada Wajeer ee Kenya.

kenya

Xoogaga Ururka Al Shabaab, ayaa waxay aroornimadii hore ee Axadii shalay weerar ka gaysteen Deegaanka Diif, oo deegaan ahaan ka tirsan Degmada Wajeer Ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya, iyagoona gubay goobo ganacsi oo halkaasi ku yaalay.

Xoogagan, ayaa gudaha u soo galay Deegaanka Diif iyagoo rasaas culus ridaaya, waxayna soo jiireen askar ka tirsan Booliska Kenya oo sida la sheegay iska caabin ugala horyimid, isla-markaana waxay dhaawaceen afar ka mid ah Ciidanka Booliska.

Shabaabka oo la wareegay gacan ku haynta halkaasi, ayaa waxay dab qabadsiiyeen illaa lix dukaamo oo lagu iibin jiray agabyada kala duwan ee jumlada, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin booqatay.

Tiro Xildhibaano ah oo laga soo doorto Degmada Wajeer, ayaa gelinkii dambe ee Axadii ku baxay Diif, si ay u soo qiimeeyaan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Xildhibaan C/raxmaan Xasan Colow oo ka mid ahaa Xildhibaanada booqatay Diif, ayaa xaqiijiyay inuu is dultaagay dukaamo lix gaaraaya, oo la baabi’ibiyay dhammaanba wixii yaalay.

“Waxaan dul istaagay lix dukaan oo ganacsi oo dhulka lagu daray hantidii taalay, ciidamadii meesha joogayna afar askari ayaa laga dhaawacay, waana wareystay. Safarkan waxaa igu wehlinaayay Xildhibaanada kale ee laga soo doorto Wajeer County, runtii dhibaato badan ayay Al Shabaab u gaysatay Diif.” Ayuu yiri Xildhibaan C/raxmaan Xasan Colow.

Mudanahan, ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay in lagu wargeliyay weerarka Al Shabaab, ka hor intii aanay weerarin Diif, hase ahaatee aanay ka hortagin, xilli sida uu ka dhawaajiyay Ciidamada Kenya ee ku sugan xuduuda in ay ka ag-dhow yihiin Deegaankaasi.

“Nimankan weerarka gaystay waa laga war haayay warkooda saddex illaa afar berri, waxaa ducufnimo ah in laga hortaggi waayay weerarkaasi. Shacabka waxay ii sheegeen inay ku wargeliyeen Dowladda Kenya, Ciidanka Kenya ee xuduuda ku sugana wax yar ayay u jiraan Diif, kamana hortagin.” Ayuu yiri Xildhibaan Colow.

Colow oo la hadlay Warbaahinta, ayaa intaa ku daray in Xoogaga Ururka Al Shabaab ay horay u wateen gaari Land Cruiser ahaa, oo sida uu sheegay ay lahaayeen Ciidanka Booliska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.