XOG: Shirkii Madasha wadatashiga Qaran oo Maanta Muqdisho ka Furmaya.

Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa ku soo qul qulaya magaalada Muqdisho, si ay uga qeyb galaan shirka Madasha wadatashiga qaran ee looga hadlayo qaabka ay u dhici doonaan doorashooyinka sanadka.

Sida ay sheegayaan wararka Hogaamiyeyaasha Maamulada Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha Galmudug uu ku sugan yahay magaalada.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi u furi doona shirka gelinka dambe ee maanta, waxaana lagu wadaa in Madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada shir gaar u ah ay yeeshaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Madaxda ay isla qaadaa-dhigi doonaan qorshaha doorashooyinka, qaabka loo soo xulayo Xildhibaanada, waxaana shirkan noqon doonaa mid xasaasi ah.

Arrimaha muhiimka ah ee shirka lagu soo qaadi doono ayaa waxaa ka mid ah heshiiskii dowladda Federaalka iyo Puntland ee 3-dii bishan lagu saxiixay Garowe, kaasoo awood badan siinayay Puntland, gaar ahaan dhinaca doorashada.

Sidoo kale arrinta kale ee muhiimka ah ayaa ah in Hogaamiyeyaasha Soomaaliya ay go’aan ka gaaraan halka ay ka dhaceyso doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha, si loo doorto meel munaasib ku ah amni, waxaana laga yaabaa in dooda qodobkaas uu noqdo kan ugu dhibka badan, maadaama heshiiska Garowe uu qeyb ka ahaa

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hor inta aan la saxiixin heshiiskii Garowe soo saaray war saxaafadeed ayaa sheegay in qodobada qaar looga hadli doono shirka Madasha wadatashiga ee Hogaamiyeyaasha qaran.

Maamul goboleedyada kale ayaa iyana la filayaa inay heshiiskaas qeyb ka noqdaan, isla markaana galaan-gal ku yeeshaan soo xulida Xildhibaanada Aqalka hoose ee Baarlamaanka iyo Aqalka sare.

Waxaa lagu wadaa in shirka marka uu soo gaba gaboobo laga soo saaro war murtiyeed ku aadan qaabka doorashooyinka u dhacayaan, si loo soo xulayo Baarlamaanka bedeli doona Baarlamaanka hada jira ee waqtigiisa dhamaanayo.

Hase ahaatee waxaa laga cabsi qabaa qodobada qaar ee looga hadlayo shirarkan inuu ka dhasho kala aragti duwanaan, maadaama maamul kasta uu ujeedo gaar ka leeyahay doorashada soo socota.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.